(Electric Wearable Breast Pump). Waa qalab koronto ku shaqeeya oo loogu talagalay hooyooyinka nuujinaya si ay si fudud ugu soo saaraan una ururiyaan caanaha naaska.
Sida Loo Isticmaalo.
- Dhaq gacmaha: Ka hor intaadan isticmaalin:
- Nadiifi qalabka: Dhaq weelka caanaha iyo qaybaha kale ee la dhaqi karo.
- Jarjargareey batteriga: Hubi inuu batterigu leeyahay awood ku filan ka hor isticmaalka.
- Ku dheji naaska si sax ah: Ibta naaska geli bartamaha mashiinka. Haddii ibtu aysan dhexda ku jirin, waxaa dhici karta xanuun ama caano yar inay soo baxaan.
- Ka bilow heer hoose/low: Marka hore dooro heerka ugu hooseeya. Si tartiib ah u kordhi ilaa aad ka hesho heer aad rabto.
Haddii uu ku xanuun jiyo, hoos u dhig heerka ama jooji isticmaalka.
- Muddada isticmaalka: Inta badan 10–20 daqiiqo naas kasta ayaa ku filan. Ha sii wadin haddii caanuhu istaagaan ama aad dareento xanuun.
- Kaydi caanaha: Marka aad dhamayso, Ku shub caanaha weel nadiif ah kuna rid qaboojiyaha hadii aan horay laga isticmaaleyn.
Kala fur qaybaha la dhaqi karo.
Dhaq biyo diirran iyo oomo.
Si fiican u qalaji ka hor inta aan dib loo isticmaalin.